Somali News

Banaanbaxa looga soo horjeeday Madaxweyne Qoor Qoor oo baaqday.

Wararka naga gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in uu baaqday Banaanbax ay abaabulaayeen Ahlusunna oo looga soo horjeeday Madaxweyne Qoor Qoor.

Ciidanka ammaanka ayaa inta badan xiray Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana laga cabsi qabay in Banaanbaxyo waa weyn ay dhiggaan taageerayaasha Ahlusunna sidda weyn ugu xooggan Magaalada.

xilli hore Ciidanka Ammaanka ayaa lagu soo wargaliyay in ay socdaan abaabul Banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan  oo ahlusunna u dooratey Madaxweyne Galmudug ayaa kulan laqaatay qaar ka mid ah odoyaasha Guriceel iyo Dhuusamareeb iyagoo iska xog wareystay Banaabaxa sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ciidanka Booliska Magaalada ayaa heegan la galiyay, waxaana sidoo kale xiran qaar ka mid ah Goobaha ganacsiga ee ka agdhow xarunta Madaxtooyadda Galmudug.

Related posts

TOP NEWS: Shirweynaha Madasha Hogaanka Dhaqanka Soomaaliyeed oo Maanta Si Rasmi ah uga Furmay Magalda Qardho+Sawirro

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Maxay Tahay Sababta ay Doonta ula qalibantay Muhaajiriintii ku Dhimatay Bada u Dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga?

admin

Dowlada Federaalka oo Kalsoonidii Ahlusunna Lumisay

nairobi