Banaanbax Looga Soo horjeedo Somaliland oo ka dhacay Gaalkacyo.

0

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi uu ka dhacay Banaanbax Ballaaran oo looga soo horjeedo maamulka Somaliland.

Qaar ka mid ah Shacabka Gaalkacyo ee ku nool dhinaca Puntland ayaa dhigay banaanbaxa waxaana ay sheegeen in ay doonayaan in la joojiyo Xiisadda ka taagan degaanka Tukara ee gobolka Sool.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Somaliland ay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland.

Maalmihii lasoo dhaafay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland waxa dadka Shacabka ah ugu baaqaayay in ay sameeyaan Banaabax looga soo horjeedo maamulka Somaliland.

Maamulada Putland iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhexjirta colaad ka dhalatay gobolka sool gaar ahaan deegaanka tukaraq, oo ay la wareegeen ciidamada somaliland.