Somali News

Banaanbax ka socda Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur waxaa ka socda Banaanbax lagu taageeraayo Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Boqolaal ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Baydhabo, ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaaladaasi, kuwaasi oo taageero u muujinaayay Xildhibaanada cusub.

Waxa ay sheegeen dadkii Banaanbaxa dhigaayay inay soo dhaweynayaan Xildhibaanada oo u badan dhalinyaro, islamarkaana keeni karo isbedel & horumar Maamulka uu gaaro.

Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Koonfur Galbeed ayaa waxay u badan yihiin wejiyo cusub, iyadoo dhalinyaradana ay si aad ahi uga soo muuqdeen.

Boqolkiiba toddobaatan (70%) ayaa waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Koonfur Galbeed lagu sheegay in ay dhalinyaro yihiin.

Inta badan Xildhibaanadii Baarlamaanka Koobaad Koonfur Galbeed ayaan ku soo laaban Baarlamaanka Labaad.

Related posts

Warbixin: Shirka London siduu u xallin karaa dhibaatada Soomaaliya?

Tifaftiraha K24

Socdaalada Uu Farmaajo ku maraayo qaar ka mid ah gobolada dalka Maxay u arkaan siyaasiyiinta

admin

War Cusub: Kooxda Alshabaab oo Fagaaro ku yaala Dagmada Bu’aale ku toogatay Seddex Ruux oo labo Kamid ah lagu eedeyay in ay Isku galmoodeen

Tifaftiraha K24