Somali News Top News

Balcad:-Alshabaab Iyo Ciidamada Dawlada Oo dagaal ku dhexmaray duleedka Balcad

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab weerar  ay ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka Gololey oo qiyaastii 7 KM dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Balcad.

Waxaana dagaalka la’isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee ku dagaalamay degaanka Gololey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Related posts

Daawo: Wasiir Jamaal xasan oo soo Gaba gabeeyay Socdaalkiisa Soon iyo Sanaag Xili soomaliland ay….

admin

Dhagayso:- Gal-Mudug oo lagu soo Wareejiyeey Ajaanib Burcad Badeed Haystay

admin

Deg Deg: Wufuudi Gobolka Gedo ee ku sugnayd Kismaayo oo Magaaladaasi iskaga baxay iyo 6 beelod oo ayaguna ka baxay.

admin