Somali News

Baarlamaanka Turkiga oo Go’aan cusub kasoo saaray Ciidankooda jooga Somaliya

Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa muddo kordhin u sameeyay Ciidamada Turkiga ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Soo jeedinta lagu kordhiyay Muddada Ciidanka Turkiga ka howlgalayaan biyaha Soomaaliya iyo kuwa Gacanka Babal Mandab ayaa la sheegay in lagu daray muddo sanad ah lana gaarsiiyay ilaa 10ka Februay 2020-ka.

Mooshinkan oo soo billowday 2008dii ayaa waxaa muddo kordhin loo sameeyay 11 jeer tan iyo xilligaas oo markasta lagu darayay muddo hal Sano ah.

Gacanka Cadan iyo marin biyoodka Baabal mandab waa barta 4aad ee ugu weyn Caalamka oo uu maro ganacsiga caalamka gaar ahaan shidaalka adduunyada ka dhoofsato Bariga dhexe.

Waxaa saameyn taban ku yeeshay howlgallada Burcad Badeedda Soomaalida ee ka jiray biyaha Soomaaliya,waxaana ka howlgala boqolaal dowladood oo midkasta Ciidamo iyo Maraakiib u soo dirtay Gacankan.

Related posts

TOP NEWS: Diyaaradda Turkish Airline oo Shaacisay War Farxad badan u ah Soomaalida

admin

Daawo: Cudubto ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo Tababar loogu soo xiray Magaalada Muqdisho

admin

Siyaasiga Abdishakur Ali Mire "DFS dhexdhexaad ha ka noqoto wax qeybsiga beelaha gobollada dhexe"

admin