Animation

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta loo qeybinayo Sharci Muhiim ah

no responses
Saturday November 28, 2015 - 8:54 under Somali News by admin
mqdefault

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Kulankooda Caadigaa waxaa loo qeybin doonaa Sharci ay soo diyaariyeen Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha u qaabilsan Baarlamaanka kaas oo laga soo diyaariyay Xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo Baarlamaanka ka tirsan ayaa sheegay in Kulanka Maanta Baarlamaanka loo qeybin doono Sharcigaasi islamarkaana Golaha Baarlamaanka ay ka doodi doonan.

Waxaa uu intaa ku daray Xildhibaanka in Guddigii loo diray in ay soo qiimeeyaan Darbiga Kenya ay Xadka ka dhiseyso ay Qaraarkaan soo diyaariyeen Baarlamaankuna uu soo Akhrisan doono.