Animation

Baarlamaanka Somaliya oo Go’aan kasoo saariya faragalinta iyo Darbiga Keenya Wado

no responses
Sunday November 15, 2015 - 7:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Kulan ay isugu yimadeen xildhibaanada Barlamanka Federaalka 13 Nov, 2015 ayaa cod u qaadey darbiga la sheegey in dalka kenya ka dhisayo xadka uu la wdaaago dalka Somalia.

Kulankaan oo ay shir gudoominayen guddoomiyaha Barlamanka iyo labadiisa ku-xigeen ayaa waxaa loogu qaybiyey xildhibanaada qaraar ay kasoo diyaariyeen derbiga dowlada Kenya ka dhiseyso xuduudka Somalia la wadaagto guddiyada arrimaha gudaha iyo dibada.

Qaraarkaan ayaa xildhibaanada dowlada Federaalka u akhriyey guddoomiyaha ku-xigeenka guddiga arrimaha dibada Barlamanka.

Xildhibanaada Barlamanka oo dhageystey qaraarkaan ayaa talooyin ay soo jeediyeen ku sheegey in sharci loo badalo arrimaha derbiga dowlada Kenya ka dhiseyso xadka Somalia la wareegto.

Talooyinka kadib ayaa guddoonka Barlamanka Federaalka Somalia xildhibanada waydiiyey iney u codeeyaan soo jeedintooda taasoo ku meel mariyeen cod aqlabiyad ah.

Guddiyada arrimaha gudaha iyo dibada ayaa la siiyey waqti gaaraya 48 saac iney ku soo diyaariyaan sharcigaan.

Dowlada Kenya ayaa sheegtey iney qorsheyneyso in darbi ka dhisto xuduudka la wadaagto wadanka Somalia kadib markii weeraro kaga yimaadeen ururka Al-shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan gudaha dalka Somalia kuwasoo ka howlgala deganaada Jubooyinka.

Facebook Comments