Somali News

Baarlamaanka Puntland Oo Loo Gacan Geliyey Mooshin Cusub Oo Ka Dhan Ah Shirkada DP World

Magaalada Garowe Ee Caasimada Puntland akhbaaraadka aan ka heleyno waxay sheegayaan in Xildhibaanada Maamulkaasi ay gudbiyeen Mooshin Ka Dhan Ah DP World.

Xildhibaanadaasi ayaa Gudoonka Golaha Wakiilada Puntland waxay ku wareejiyeen Mooshinka oo laga keenay Shirkada PNO oo qeyb ka ah Shirkada la mataansan DP World Ee dekada Boosaaso gacanta ku heysa.

Waxay Mudanayaasha mooshinka gudbiyey ku Eedeeyeen Shirkada PNO inay Dano Siyaasadeed ay ka wadato Halkaasi oo waxba aysan soo kordhin tan iyo markii ay Shaqo gashay.

Sidoo kale Xildhibaanada waxay sheegeen in aysan waxba kasoo dhalaalin Heshiiskii ahaa Ballaarinta Dekada Boosaaso muddo labo sano gudaheed,ayna taasi fashil ku dhamaatay.

Related posts

Sawirro:- Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed oo sheegay in Waajid go’doonka laga saari doono

admin

Sawirro: Meydka Aabaha dhalay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo Muqdisho lagu Aasay

admin

XOG: Madaxtooyada Garoowe oo Kulamo Xasaasi ah ay hada ka socdaan iyo k24 oo ogaatay in …

admin