English News Somali News

Baarlamaanka oo ku dhegan Laamaha Amaanka & Dhacdadii Soobe oo Su’aalo la iska Weydiinayo

Guddiyada Joogtada ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa saakay lagu wadaa in kulan Su’aalo lagu weydiinayo masuuliyiinta Laamaha Ammaanka dalka ay kula qaataan xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana Laamaha Ammaanka wax laga weydiin doonaa qaraxii 14 kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Degmada Hodan, kaasi oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad fara badan oo shacab ahaa.

Xildhibaan Sidiiq Warfaa Xoghayaha Guddiga Joogatada Difaaca Baarlamaanka ayaa sheegay in maanta qorshuhu yahay in ay kulan la yeeshaan Laamaha Ammaanka, si wax badan looga ogaado Qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in kulankaasi waxyaabihii ka soo baxa ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli wada baaritaano dheeri ah oo ku aadan mashaqadii ka dhacday Isgoyska Zoobe, iyadoona Laamaha Ammaanka looga fadhiyo soo bandhigida Natiijada ka soo baxday baaritaanadaasi.

Related posts

Top News: Galmudug Oo Eedeyn Dusha Uga Tuurtey Puntland (Tolow Maxay Salka Ku Heysaa, Eedeyntaas???)

Tifaftiraha K24

Madaxweynaha Maamulka Somaliland mudane Muuse Biixi oo la kulmay gudiga doorashooyinka maamulkiisa

admin

Tartanka Awoodeed ee u dhaxeeya Sucuudiga iyo Iiraan ayaa mar kale soo shaacbaxay iyada oo Dowladda Sucuudiga ay sheegtay in ay Sladhig Milatari ka dhisaneyso Dalka Jabuuti.

admin