Somali News Top News Xulashada K24

Baarlamaanka Dalka Itoobiya oo yeelanaya kulan looga Hadlayo Xaaladda Dalka

Baarlamaanka Dalka Itoobiya ayaa maanta oo talaado ah yeelanaya kulan deg deg ah,waxaana kulankan diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xaaladda deg degga ah ee uu dalka ku jiro.

Golaha Baarlamaanka Itoobiya ayaa la filayaa in maanta ay go’aan ka soo saaraan xaaladda deg degga ah ee uu dalka ku jiro,sidoo kalena waxaa ay kulankooda rasmiga ah ee furmaya maalinta Jimcaha  ah ku ansixinayaan Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya kaas oo la filayo in isbaheysiga talada yaha uu magacaabo.

15kii Bishan waxaa xilkii ra’isalwasaaraha Itoobiya iska casilay Hailemariam Desalegn.,sida uu qoray Wargeyska Addis Standard,ayaa sheegay in  Baarlamaanka laga filayo in ay isbeddel muuqda la soo loobtaan.

Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay in Talaadada maanta ah uu kulan jiro jimcahana ay yeelanayaan kulan kale oo go’aanno ay ka mid yihiin wax laga yeelayo xaaladda deg degga ah iyo ansixita Ra’isalwasaaraha ay yeelanayaan.

Fadhiyada Baarlamaanka waxaa kale oo la filayaa in go’aamo laga soo saaro kuwaas oo la xiriira dibadbaxyada ka socdo Gobollada Amxaarada iyo Oromada ee Dalka Itoobiya.

Related posts

UNHCR: "waan soo Ceshanay Gaarigii Nagala Afduubtay"

admin

Daawo sida Madaxweyne kuxigenka Jubbaland logu soo dhaweyay Balad Xaawo

admin

Dagaal Khasaaro geystay oo Mudug ku dhexmaray Dad kasoo kala jeeda Galmudug & P/Land (SABABTA)

admin