Baareyaasha kiimikada oo loo ogolaaday Suuriya

0

Khuburo dhanka kiimikooyinka ah ayaa loo ogolaan doonaa in ay booqdaan goobtii la sheegay in uu weerarka kiimikada ah ka dhacay Arbacadii, sida ay dawladda Ruushku sheegtay.

Koox caalami ah ayaa Suuriya ku sugnayd tan iyo Sabtidii, balse looma ogolaanin in ay booqdaan Douma.

Weerarkii 7 Abriil dhacay ayaa horseeday weerar dhanka cirka ah oo dawladdaha Brirain, Maraykanka iyo Faransiisku ay ku qaadeen xarumo ay dawladda Suuriya leedahay.

Ammin hore oo Talaadadii ahna warbaahinta dawladda Suuriya ayaa sheegtay in waaxda difaaca dalkaasi ay ka jawaabtay gantaallo lagu soo weeraray magaakada galbeedka ku taalla ee Xoms.

Gantaalladaas ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigga ciidammada cirka ee Shayrat sida ay warbaahinta dawladdu sheegtay, balse faahfaahin kama aysan bixinin cidda soo gantay.