Animation

Top: taliska ciidanka Xooga Dalka qeybtiisa 60-aad oo Gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

no responses
Tuesday December 1, 2015 - 12:03 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Waxaa Magaalada baardheere ee Gobolka Gedo goor dhaweyd gaaray Wafdi ka socda taliska ciidanka Xoogaa Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo ujeedka socdaalkooda ku sheegay Mushaar ay siinayaan ciidanka Xooga Dalka ee degmadaasi ku sugan.

Taliyaha qeybta lixdanaad ee ciidanka Xooga Dalka soomaaliyeed janaraal bile Ibrahim aadan Ayaa kormeeray Xaaladda ciidanka wuxuuna saraakiisha iyo askartuba ku bogaadiyey shaqada adag ee ay hayaan, isagoo balan qaaday Wixii hada ka danbeeya iney mushaarkooda toos u heli doonaan.

wuxuu sidoo kale sheegay in Taliyaha ciidanka Xoogaa Dalka Soomaaliyeed sareeya Gaas Maxamed aadan Axmed Inuu joogteeyey mushaaraadka Ciidamada Xoogaa Dalka muhiimadiisa koowaad ay tahay ilaalinta xuquuqda askarta xooga Dalka Soomaaliyeed.

dhiniciisa waxaa madasha Mushaar bixinta ka hadlay dr Axmed Maxamed oo kamid ah Gudiga diiwaan galinta  ee taliska ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed , isagoo balanqaaday in waxa ay baardheere ku arkeen ay gaarsiin doonaan taliska ciidanka Xoogaa Dalka Iyo wasaarada gaashaandhigga.

Facebook Comments