Animation

BAAQ NABADEED OO KU SOCDA DHINACYADA KU DAGAALAMAYA DEGMADA CAABUDWAAQ, NAWAAXIGEEDA IYO GUUD AHAAN UMADA SOOMAALIYEED

no responses
Thursday November 17, 2016 - 8:57 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault

BAAQ NABADEED OO KU SOCDA DHINACYADA KU DAGAALAMAYA DEGMADA CAABUDWAAQ, NAWAAXIGEEDA IYO GUUD AHAAN UMADA SOOMAALIYEED

Duuliye Cabdi Guuleed Maxamed, wuxuu baaq nabadeed oo ka

kooban 6 qodob u dirayaa dhammaan ummdda Soomaaliyeed, gaar-

ahaanna dhinacyada ku dagaallamaya degmada Caabud-waaq iyo

nawaaxigeeda iyo dhinacyada kale ee ay khusayso ama saamayso

colaadda Caabuwaaq iyo nawaaxigeeda.

Wuxuuna ku baaqayaa qodobbadan Soo socda:

1. Waxaan ugu baaqayaa, kana codsanayaa qof walba, koox walba iyo beel

walba oo Colaadda ama dagaalka ku lug leh, inay ilaahay ka cabsadaan,

joojiyaana dagaalka, colaadda, abaabulka iyo waliba gurmadka;

2. Waxaan walaalaha xusuusinayaa ayadoo abaar dad iyo duunyaba saamaysay

bulshada la soo deristay, lana daalaa-dhacayso, inayan suura-gal ahayn in

dagaallo khasaaro mooyee aan faa’iido ka imaanayn dad walaala, oo muslimiin

ah ay ku hoobtaan. Sidaas daraadeed waxaan ku baaqayaa in xabbada lugu

beddelo samir, dulqaad, wada-hadal nabadeed iyo roob-doon; rabbi danbi-dhaaf

iyo naxariisti aan kaga dalbanno;

3. Waxaan ugu baaqayaa, kana codsanayaa, dhammaan odyayaasha dhaqanka

iyo waxgaradka degaankaas ka soo jeeda inay sida ugu dhakhso badan u kala

dhex-galaan beelaha ama kooxaha colaaddu ka dhex-curatay, iyo kuwa kaloo

colaaddu u dhaxayso, ayna si Allah ka-cabsi iyo daacadnimo leh arrintaas ugu

istaagaan (wey-awodaane);

4. Waxaan ku baaqayaa in dhammaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Caabud-Waaq

iyo Balanaballe, gaar-ahaan kuwa Cadaado Jooga, oo xilalka iyo kuraaasta u

tartamaya iyo kuwa xilalka ka hayaba, inay laalaan tartankooda, si deg deg ahna

u tagaan degmada Caabud-Waaq, aysanna ka soo tegin ilaa ay soo af-jaraan

colaadda degaankaas iyo degaannada ku xeeranba ka laoosan, Waxaan

xusuusinayaa mudanayaasha, inay Ceeb, yax-yax iyo naxdinba u tahay inay

kuraas u tartamaan ayadoo dadka ay kuraasta ku matali lahaayeen

dagaallamayaan, qaarkoodna maydkoodii dariiqyada daadsan yihiin.

6. Gebo-Gabadii, ayadoo dalka Soomaaliyeed ay dhammaantiis (min Ras-

kambooni ilaa lawya-caddo) ololayaal doorashooyin ka socdaan, ayna xasarado

hor-leh iyo khilaaf xataa dad badani ku dhinteen soo kordhiyeen, islamarkaasna dhaqaale aan la soo koobi karin, loogu isticmaalayo si aan sharciga

islaamka iyo nidaamka dawladnimo midna waafaqsanayn, Sidoo kalana, ay

Dawlad-goboleedyo-nimadii horseeddeen gooni-isu-taagnimo, iyo sii kala-

fogaansho hor-leh, oo qabyaalad xanbaarsan, mid caddaysta iyo qarsadaba;

dhinaca kalana ay dalkii dhammaanti ku dhufteen abaaro, barakac, iyo dagaallo

soo noq-noqday, oo duunyadii iyo dadkiiba aad u wax-yeelleeyey, sidaas

awgeed, waxaan Masuuliyiinta Soomaaliyeed ee heer Qaran, heer Dawlad-

goboleed, ilaa heer degmo, hoggaamiye-dhaqameedyada, culumada-diinta,

wax-garadka rag iyo dumar iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed meelay

joogtaba u soo jeedinayaa in laga hortago colaadaha meelo badan ka soo

cusboonaaday, in nabadayn iyo baaqyo-nabadeed, oo kal iyo laab ah la

sameeyo, in si hagar l’aan iyo hufnaan ah loogu gurmado dadka abaaruhu wax-

yeeleeyeen, iyo in roob-doon saf-mar ah la sameeyo; arrimahan waxay muhiim u

yihiin jiritaanka umadda Soomaaliyeed, xataa hadday noqonayso in hakad la

galiyo doorashooyinka muddo ku filan in hawlahaas la qabto, dabadeedna

ilaahay qalbi saafi ah, is-caafi ilaa heer shakhsi ah iyo tawbad dhab ah, aan

la hortagno.

Waxaan baaq gaar ah u jeedinayaa madaxda Soomaaliyeed, inay ummadda

khayrkaas u horseedaan, kuna hoggaamiyaan, markaas ilaahay wuxuu

mudan yahay inuu naga dul-qaado dhibaatooyinka aan ka cabanayno

dhammaantood, noocay ahaadaanba.

Wa Billaahi Tawfiiq