Somali News

Baaq nabadeed oo ka soo baxay kulan ka dhacay Gaalkacyo

Xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya,Odayaal,Siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa kulan ay kaga hadlayeen xallinta dagaallo dhawaan ka dhacay qaybo ka tirsan gobolka mudug ku yeeshay magaalada Gaalkacyo.

dagaal Beeleed khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Ina Diideey oo ku yaalla duleedka degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug,waxaana isa-soo taraya baaqyada loo jeedinayo maleeshiyaadka ku dagaallamay deegaano ka tirsan Mudug.

Xildhibaan Cabdi Kariin Khaliif Dhalac oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Colaadda ka soo cusboonaatay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug,wuxuuna intaasi raacyay “dagaal khasaaro mooyaane in uusan wax faa’iido ah soo kordhinayn”.

Maleeshiyaadka dagaalka uu ku dhex-maray Bariga Gobolka Mudug ayuu ugu baaqay inay colaada joojiyaan,isla markaana wax walba wada-hadal ay ku dhameeyaan,isaga oo sheegay inay kaalintooda ka qaadan doonaan.

In kastoo xilligaan uusan wax dagaal ah ka jirim deegaankii lagu dagaalamay ee Ina Diideey ee duleedka degmada Afbarwaaqo, ayaa hadana dadka deegaanka ay baqdin muujinayaan ,waxaana dagaalkii dhacay ku geeriyooday dhowr iyo toban ruux halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

SONNA.

Related posts

Wasiirka Caddaalada ee Puntland oo Xilkiisi is ka Casiley, Maxayse tahay Sababtu?

admin

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Caawa ka Cusub Dagmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo oo Galabta uu ka dhacay…..??

Tifaftiraha K24

Ra’isul wasaare kheyre oo Xil ka qaadis ku Sameyay Wasiirkii Arimaha diinta iyo Awqaafta Dr. Iimaan C/llaahi

admin