Animation

Baaq ku aadan wax ka qabashada saameynta dabeylihii ka dhacay Xeebaha oo lasoo saaray

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 4:54 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kulan ka dhacay maanta Gudaha magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa loogaga hadlay khasaarihii ka dhashay duufaanadii is xigay ee ka dhacay gobolada Gardafuu iyo Bari iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Waxaa kulankaas ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee ganacsatada, Waxgaradka gobolka Culimaa udiinka, Maaulka gobolka Gardafuu, Hay’ado kormeero saameynta ah ku soo sameeyay, iyo weliba qeybaha kale ee Bulshada.

Waxaa halkaas lagu soo bandhigay inta uu la egyahay khasaaraha ay dhaliyeen duufaanadii is xigay, iyo sida ay u kala saameeyeen degmooyinka xeebaha ee gobolka, waxaana hadallo ka soo kala jeediyay xubnihii ku sugnaa.

Nabadoonada iyo wax garadkii halkaas ka hadlay oo uu ka mid ahaa Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim Xarago ayaa sheegay in ay tahay mid si deg deg ah loogu baahan yahay in wax loogaga qabto dhibaatada ka jirta gobolka ee halkaas lagu soo bandhigay.

Maamulka gobolka Gardafuu Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed oo ay gobolkiisu siweyn u saameysay Dabeylihii dhacay ayaa dhankiisa sheegay in ay halkaas siweyn ugu dhibaateysan yihiin dadkii degenaa, ayna dabeylihii dhacay dumuyeen guryo, wadooyinkii loo marayay deegaanada qaar oo go’ay, xoolo badan oo dhintay iyo qalab dhanba badda ah oo ay dabeyluhu burburiyeen.

Gudiyo loo magacaabay wax ka qabashada saameynta dabeylahaas, iyo culimada ayaa iyaguna baaq u diray qeybaha kala duwan ee bulshada iyo cidkasta dhaqaale ururin wax loogu qabanayo dadkaas ka qeyb qaadan karta.

Sheekh Daahir Aw  Cabdi oo ka mid ah culimada ugu waaweyn ee Puntland Ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland in ay ugar gaaraan walaalahood ay dabeyshaas dhibaatadu gaarsiisay, waxaana uu sheekhu intaasi ku daray in lagu filanyahy hadii loo istaago wax u qabashada dadkaasi