Animation

BAAFIN: Idil Abdi Ahmed oo baafineysa qoyskeeda

no responses
Wednesday March 15, 2017 - 10:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Idil Abdi Ahmed oo ah hooyo Soomaaliyeed ayaa waxay. baafineysaa qoyskeeda oo ah ninkeeda Abdiweli iyo saddex caruur ah oo ay isku dhaleen, kuwaasi oo kala ah

1- Riyaan Abdiweli Ibrahim

2- Ibrahim Abdiweli Ibrahim

3 – Aden Abdiweli Ibrahim

Kuwaasi oo markii ugu danbeysay ay uga tagtay guriga ay ka degenaayeen magaalada Eemnes ee dalka Holland, balse ay kusoo noqotay iyagoo ka guuray meeshii ay degenaayeen.

Iyaddoona markaasi ka timid dalka Talyaaniga, waxaase dadka u deriska u sheegeen inay africa ku noqdeen, balse lama yaqaan dalka ah Africa ka aadeen.

Abdiweli iyo saddexda caruurta ee la socota ayaa cidii warkooda hesha laga codsanayaa inay la soo xiriiriyaan Idil Abdi Ahmed, oo ah hooyada raadineysa qoyskaasi.

Idil waxaa horey Africa uga jiray caruur kale oo ay isku dhaleen Nasteex Dahir Farax, kuwaasi oo kala ah Tamaan iyo Sadaq , kuwaasi oo aabahood lagu dilay magaalada Kismaayo, sanadkii 2008 ka.

 

 

Facebook Comments