BAAFIN BAAFIN BAAFIN: Waxaa La Baafinaya Ahmed Cabdi Maxamad

0

 

BAAFIN BAAFIN BAAFIN

Waxaa halkaan laga baafinayaa wiil magaciisa la yiraahdo Axmed Cabdi Maxamed, Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Hargaysa sanadku markuu ahaa 01-01- 1990 kii, Axmed waxa uu ku nolaa kuna barbaaray magalaada Hargaysa. Qabiilkiisuu waa Isaag sacadmuuse.

Ahmed waxa radinaysa xaaskiisii hore oo ay kala tageen oo magaceeda la yiraahdo Ibtisan Husseen Oo hadda ku nool magaalada Delft ee dalka Holland.

Haddaba Cid alaala ciddii war ka heysa amaba meel ku og khabar ku saabsan axmad waxaa si naxariis leh looga codsanaya in ay kusoo hagaajiyaan Barta Xiriirka dadweynaha ee Cinwaankiisu yahay ( Ibtisaanhusseen@gmail.com ) ama isaga laftigiisa haduu arko Baafintan fadlan hala xiriiro Ibtisaam oo Baafintaan soo gudbisay ama Radio Banaadir Innagaa Xiriirin doono Inshaa’allaah.