Somali News

Baadiyow: Waa laga fiican yahay in qof Muslim ah la gaaleysiiyo Diintana ay is xijiyaan shakhasiyaad

Dr.Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow oo horey isugu soo sharaxay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan qaar ka tirsan Culumada Soomaaliyeed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dr. Baadiyow ayaa ku taliyey inaysan habooneyn wax fiicana aheyn in la gaaleysiiyo qof muslim ah isla markaasna aysan koox gaar ah is xijin Diinta Islaamka.

Ma haboona, saxna maahan in Diinta Islaamka oo dadka Soomaaliyeed wada rumeysan yihiin shakhsiyaad gaar ah dadka ka xigsadaan” ayuu yiri .

Dr. Baadiyow ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay la dhibaatoonayaan khilaafyo siyaasadeed lagana fiican yahay in hadda la geliyo mid diimeed.

Related posts

SAWIRO: Janaraal indhacade iyo Janaraal Galaal oo gaaray Magaalada Hobyo..

admin

Raisalwasaare Abdiweli oo si adag uga hadlay…..

admin

Dhagayso+Sawiro:- Boqorka Beelaha Darood oo Boosaaso Lagu soo dhaweyey

Tifaftiraha K24