Axmed Madoobe xaalkiisu saan ayuu ku danbeeyay..

0

Hogaamiyaha Gabalkiisu sii dhacayo ee Maamulka Kismaayo Axmed Madoobe ayaa waxaa soo wajahday xaalad adag ka dib markii uu wayay taaageeradi uu ka heli jiray Dowladaha Itobiya iyo Kenya.

Sida caadadu ahayd qofwalba oo wadankiisa qiyaama ama amxaarana iyo shisheeyaha kale u adeega meel xun ayaa u danbaya axmed madoobe manta waxaa ka soo xirmay maalmihi macaana ee la waynayn jiray waxaana u bilowday maalmo qaraar oo usan adkaysigeeda lahayn.

Shacabka iyo siyaasiyiinta jubbaland dhamaan waxaay sugayaan Axmed madoobe oo la marsiiyo wadadi arxan laawe abdi iley la marsiiyay.

Axmed Madoobe ayaa indhihiisa ku soo arkay sida looga taqaluusay Ciidamadii awooda badnaa ee New polis ee abdi iley uu aminsanaa in ay difaaci doonan waxaana hada u muuqata in ciidanka raaskambooni oo aan gacan ka helayn Itobiya iyo kenya aysan difaaci karin saldanadiisa xasuuqa badan gaysatay,

Ugu danbeyn Waxaan sugnaa Shacabka Jubbaland iyo Dowladooda dhexe oo iskashanaya in ay si wada jir ah ula dagaalaman hogaamiyaha arxan lawaha ah ee xasuuqa badan ka gaystay Gobolada Jubboyinka.