Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Axmed Madoobe oo weji gabax kala kulmay kulankii danjiraha Maraykanka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa weji gabax kala kulmay Safiirka Maraykanka u fadhiya Somalia.

Danjire Donald Yamamoto ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madax ka tirsan Maamul goboleedyada Somalia oo halkaas siyaabo kala duwan u gaaray.

War Saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo lagu faahfaahinayey kulamadaas ayaan marna lagu xusin in Axmed Madoobe uu yahay Madaxwaynaha Jubbaland, waxaana taas badalkeed loogu yeerey ”Hoggaamiyaha Jubbaland.”

Qoraalka Safaaradda ayaa si ka duwan Axmed Madoobe waxay madaxda kale ee Maamullada ku tilmaantay ”Madaxwanayaal.” waxayna dad badan arrintan u fasireen in Maraykanku uusan Axmed Madoobe u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jubbaland, kuna mowqif yahay dowlada Somalia oo iyadu kal hore deyrisay.

Axmed Madoobe oo sanadkii hore sheegay inuu ku guulaystey doorasho ay Kismaayo ku qabteen taageerayaashiisa ayaan wax aqoonsi ah ka helin DF Somalia iyo Beesha Caalamka, marka laga reebo dalka Kenya.

Related posts

Daawo: C/wali gaas oo muqdisho aan u joogin ka qeyb galka shirka madasha balse damacsan qorsha kale oo……

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Waxgaradka Gobolka Banaadir oo siyaabo kal duwan uga hadlay Arinta Doorashada Dalka ka dhaceysa iyo Maqaamka Gobolka Banaadir

Tifaftiraha K24

Gaalkacyo:-Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaano ka tirsan DFS iyo kuwa Galmudug oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Ahmed sudani