Somali News Top News

Axmed Madoobe oo Nairobi so garay Gen Fartaag oo Adis Abaaba wali ku sugan +Warbixin

Wadanka Itobiya waxaa mudo maalmo ah ku wada sugnaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Kuxigeenkiisa ay siyaasada ku kala tageen Gen Fartaag.

 

Labada Masuul ayaa waqtiyo kala duwam so garay Itobiya ayado ugu horeyn u Itobiya so garay Gen Fartaag waxana Boqashada Fartaag ee Adis ay ahayd mid ku timid khilaaf labada masul soo kala dhex galay.

 

Dowlada Itobiya oo ayadu sameyn muqata ku leh maamulada dhismay ee Somalia ayaa gen fartaag ku casuntay wadanka itobiya bal si lo dhex dhexaadiyo  labada masul ee is khilaafay waxana casumadii fartaag ka dib la casumay Axmed Madoobe oo asaguna garay Magaalada Adis Ababa.

 

Labada Masul ayaa midba midka kala  ku edeynaya in u ku fashilmay siyaasada ayado  Axmed Madoobe uu Gen Fartaag ku edeyay in uusan Beeshisa sameyn ku dhex lahayn  halkan Gen Fartaag u ku edeyay Axmed Madoobe in u hoosta ku haysto  Wadado mayal adag iyo ONLF  shaqadana laga wadi la yahay.

 

Isku soo wada duubo  Dowlada Itobiya ayaa Labadan Masul ku amartay in ay wada shaqeyaan  sona wada dhisaan xukuumad tayo leh oo dadka wax tabanaya ay iska dhex arkaan mana cada sida arinkaasi uu u dhaqan gali doono.

 

 

 

 

Related posts

Xog hoose:Hubkii ugu badnaa oo Laga Dajiyay Dekadda Magaalada Hobyo, & Ciida hubkaa loo waday.

admin

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u dhoofaya Dalka Mareykanka 

Ahmed sudani

DAAWO. Kornayl Muuse Biixi oo ka hadlay Nooca ay noqon doonto Xukumadiisu..

gurey