Axmed Madoobe oo manta ku so wajahan Nairobi ka dib dharbaaxo uu kala kulmay RW abiya Axmed

0

Hogaamiyaha Gabalkiisu sii dhacayo ee ka taliya Magaalada Kismaayo ayaa ku soo wajahan Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya ka dib markii dharbaaxo siyaasaded  ay ka soo gartay safar uu ku tagay wadanka Itobiya.

Axmed Madoobe oo Maalmo ka hor ka baxay Magaalada Kismaayo ayaa ujeedka socdaalkiisu waxaa u ahaa in uu kilinka shanaad ku sii hayo hogaamiyii ay isku jifada ahaayeen  ee Cabdi iley balse inta uu hawada ku soo jiray ayu abdi iley is casilay.

Dowlada Itobiya oo la socotay ujeedka uu Axmed Madoobe wadankeeda u yimid ayaa uga digtay  fargalin uu ku sameeyo arimaha gudaha ee Itobiya  balse Axmed Madoobe dhag jalaq uma siin  taas badalkeedana waxaa uu bilaabay in uu olaole u gaalo  shaqsi ay isku jifo hoose yihiin  in uu ku soo baxo  Madaxweynaha Kilinka shanaad{Reer Cabdile- reer Warfaa)

Xaajo  markaay halkaas marayso  ayaa madaxtooyada itobiya waxaa ka soo baxday warqad lagu amrayo axmed madoobe in uu si dag dag ah uga baxo wadanka itobiya hadi amarkasi u fulin wayana  xabsiga lo taxaabi doono.

Sida ay Kismayao24 xog hoose ku heshay Axmed madoobe oo ay soo wajahday baqdin daran ayaa ka soo ambabaxay Magaalada adis Ababa waxaana uu ku soo wajahan yahay wadanka  Kenya .

Hogaamiyaha gabalkiisu sii dhacayo ayaa sida muuqata waxaa ka soo xirmay ishii ugu danbaysay ee uu kismaayo ku haystay taas oo ahayd  Ciidamada Itobiya oo hada si toos ah uga amar qadanaya Abi Axmed.

Axmed Madoobe  horay waxaa uu u dhumiyay kalsoonid weynayd ee dowlada dhexe ay ku qabtay  sido kale waxaa uu dhumiyay kalsoonida beesha uu asagu ka soo jeedo iyo guud ahaan beelaha wada dagan Jubbaland  waxaynu sugnaa wa Axmed Madoobe oo la marsiiyo wadadi Abdi iley uu maray.