Animation

Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Taliyaha ugu sareeya ciidamada dalka Kenya

no responses
Saturday August 29, 2015 - 12:47 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Taliyaha ugu sareeya ciidamada dalka Kenya, ayaa shalay oo Jimco aheyd, wuxuu Magaalada Kismaayo kula kulmay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”

Kulankaan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Lt General Leonard Ngondi, shalay uu tagay Magaalada Kismaayo, wuxuuna kala hadlay Hogaamiyaha Jubbaland dar dargelinta dagaalada ka dhanka ah Ururka Shabaab.

Madaxtooyada Kismaayo oo kulanka uu ka dhacay, ayaa la isugula soo hadal qaaday sidii ciidamada Amisom ay u wajihi lahaayeen deeganada Shabaabka ay ka joogaan Jubbooyinka.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Kenya oo ciidamadiisa ay qayb ka yihiin howlgalka Amisom, ayaa sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin sidii ay xooga u saari lahaayeen dagaalada Shabaabka.

Sidoo kale Taliyaha ugu sareeya ciidamada Kenya General Leonard Ngondi, ayaa la kulmay Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Kenya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah, wuxuuna kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka Shabaab lagula jiro.

Ciidanka Kenya ayaa ku sugan Koonfurta Somalia, gaar ahaan Jubadda hoose iyo Gedo, halkaasi oo ay ku caawiyaan ciidamada Maamulka Jubbaland.

Facebook Comments