Axmed Madoobe IOM u gudbiyay dacwad ka dhan ah Shirkii Garbahaarey.

0

Waxaa magaalada Nayroabi ku soo noqday Hogaamiyaha Maamulka taagta daran ee Jubbaland oo ku soo fashilmay safar uu ku tagay Dalka Itoobiya oo uu doonayay inuu taageero ugu raadiyo Cabdi Ileey kadib markii ay xukumada dalkaasi ka dalbatay inuu muddo 24 saac ah uga baxo isagoo u soo jihaystay magaalada Nayroobi oo markiisi hore ka dhoofay.

Hadaba Axmed Madoobe oo aad uga caraysan jabkii iyo fashilkii ka soo raacay Adisababa ayaa bilaabay inuu caradiisii kula dhaco shir ay Beesha Sade ku lahayd xarunta Gobalka Gedo ee Garbahareey.

Shirkaas oo ay maal galinaysay hay’adda IOM ayaa ahaa mid qorshihiisa uu muddo soo socday kana soo tallaabay caqabada badan oo ay isku dayeen inay ku horgadaamaan maamulka Jubbaland oo ka cabsi qaba in shirkaasi ay ka abuurmi karaan Golle Guurto oo ay yeelato Beesha Sade ee ka mid ka ah beelaha Soomaaliyeed ee degan Jubbaland.

Axmed Madoobe oo aad uga cabsanaya kacdoonka iyo guuxa ka jira dhamaan deegaanada Jubbooyinka ayaa go’aansaday inuu shirkaas oo maalinta Arbacada ah Garbahareey ka furmi lahaa baajiyo ka dib markii uu si care leh uu ula hadlay hay’adii sahalaysay safarka iyo isu keenitaanka Odayaasha dhaqanka oo muddo shan maalin ah shirkoodu ka socon lahaa magaalad, Waxaana shirkaas ay ka qayb gali lahaa maamulada degmooyinka Xilidhibaanada heer Fedaraal iyo heer maamul Gobaleed.

Ishortaaga shirkaan ayaa ah mid ka turjumaysa cadaawad gaamurtay oo uu Axmed Madoobe u hayo dadka degan Gobalka Gedo iyo caasimadiisa Garbahaareey oo uu warbixino been abuur ah hay’adaha uga gudbin jiray isagoo kaalin ku lahaa cunaqabatayntii saarnayd magaaladaas muddadii uu Xukunka hayay.