Axmed Madobe waa in la isku tanaasulaa si loogaaro.

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo kadib kulamo uu la qaatay Madaxda ugu sarreysa dowladda Somalia ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay in la isu tanaasulo.

Waxaana uu xusay Madaxweyne Axmed Madoobe in haddii la isu tanaasulo dalka uu ku tallaabsan karo Horumar la taaban karo , meeshana ay ka baxeyso Isjiid Jiidka Siyaasadeed ee hareeyay dalka.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in inta badan ay isku afgarteen xallinta Khilaafaadka taagan islamarkaana ay harsan yihiin fulintooda.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa uu ku sugnaa Madaxweyne Axmed Madoobe Magaalada Muqdisho isagoo kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda ugu sarreysa dowladda Somalia.