Somali News

Axmed cabdi kaariye oo ku guulaystay doorashada madaxwaynaha galmudug

Axmed Cabdi Kaariye oo ahaa Madaxweynaha Dooran ee Galmudug ayaa sidii la filayay ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Galmudug ee muranka badan ka taagnaa, oo ay horay u qaadaceen inta badan Musharaxiintii mucaaradka ahaa.

Doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb oo qaadatay wax ka yar saacad ayaa Musharaxii dowladda wadatay ee la ogaa inuu dooranaa uu ku guuleystay doorashada ka dhacday Hoolka Shiirkole.

Axmed Cabdi Kaariye oo ay la tartamayeen illaa saddex musharax oo aan ka mid aheyn Musharaxiintii horay ololaha ugu jiray, isla markaana gadaal iska sharaxday maalmihii uu khilaafka ka jiray howsha doorashada, waxaana siyaasiyiinta qaar ku tilmaameen inay ahaayeen Musharaxiin Malxsii u ahaa Musharaxa ay dowladda wadatay.

Doorashada ayaa waxaa wareeggii koowaad ku guuleystay codod dhan 66 cod, taasoo aheyd wax la sii ogaa, maadaama Musharax Qoor Qoor uu ahaa Musharaxa kaliya ee Xildhibaanada u qeybiyay kharash, si codkooda u siiyaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Gacal ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii maanta ka dhacday Dhuusamareeb, kuna guuleystay saddex meel labo meel doorashadii saaka dhacday.

Sidaas oo ay tahay doorashadan ay dowladdu taageersaneyd ee uu ku soo baxay Musharaxii ay wadatay Axmed Qoor Qoor ayaa waxay ka dhigan tahay inuu noqonayo Madaxweynihii 3aad ee Galmudug, waxaa horay Dhuusamareeb doorasho ay u qabsadeen garabka Ahlusuna ay madaxweyne ugu doorteen Sheekh Maxamed Shaakir, halka tii Gaalkacyo lagu doortay oo kale Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiye Baarlamaan, oo uu Madaxweyne u yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Related posts

Daawo: Maamulka aan la aqoonsaneyn ee soomaliland oo ku dhawaaqday in dowladda qadar ay xiriirka u jartay

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Isgaarsiinta Magaalooyin ay ku jirto Kismaayo oo Hawada ay ka saareen Alshabaab kadib markii la sheegay in….

Tifaftiraha K24

Daawo: Qodobo Muhiim ah oo laga soo saaray Shirka Golaha Amniga Qaranka ee Villa soomalia Maanta ka dhacay

admin