Axmad Madoobe oo u muuqdaa Nin laga Adkaaday Carooy ( Wasiirrada Jubbaland oo anfariirsan)

0

Maamulka Axmad madoobe ee Jubbaland ayaa qaadacay ka qeyb galka shirka arrimaha dastuurka oo o la qorsheynayo in toddobaadka soo socda ka furmo magaalada caasimadda ee
Muqdisho.

Aadan Ibraahim Aw Xirsi wasiirka Dastuurka, Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Jubbaland oo ku hadlaayay mowqifka axmad madoobe ayaa si rasmi ah u sheegay in jubbaland aysan marnaba ka qeyb galeynin shirka arrimaha dastuurka ee muqdisho ka furmi doono mana sheegin sababta ay u diideen ka qeyb galka shirkaas.

Axmad madobe oo la anfariirsan fatahaadda siyaasaddeed ee ku timid ayaa dhiironaan ka raadinaayo in uu qaadaco shiraraka dowladda dhexe iyo dowlad goboleed-yada waxaana dad badan sheeda ka eegayan halka axmad madoobe uu ku dambeyn doono.

Wasiirrada iyo xildhibaanada jubbaland oo badankood dhaliilsan maamulka axmad madoobe ayaa waxa ay la anfariirsanyihiin go’aannada qalafsan ee axmad madoobe ka qaadanaayo dowladda dhexe oo dalkoo dhan maamusha waxaana dhici karto in kacdoonka hadda socdo uu ka curto gudaha magaallada kismaayo iyo madaxtooyada jubbaland dhexdeeda.