Axmad Madoobe oo Xabsiga dhigay Gabar facebook ku taageertay Dowladda Federaalka

0

Ciidamada maamulka axmad madoobe ee Jubbaland ayaa xabsiga dhigay gabar facebook-ka ku taageertay dowladda federaalka kadib markii ay fikrad ama comment ka dhiibatay qoraal lagu dhaleeceynaayay axmad madoobe oo barta facebook-ka la soo dhigay.

Gabadha oo lagu magacaabo Sahro Maxamed Yuusuf ayaa muddo seddex maalmood u xirneyd maamulka axmad madoobe waxaana la ogaaday maanta oo kaliya ciidanka jubbaland ayaa zahra ka qabtay suuqa magaallada kismaayo xili ay suuqa ka adeeganeysay.

Zahra oo aad u taageersan Ra’isul wasaare kheyre iyo madaxweyne Farmaajo ayaa waxa ay inta badan share gareysaa qoraallada lagu dhaliilo maamulla axmad madoobe oo waayadaan dambe mucaarado ay kusoo baxday.

Waxyaabah ay fikirkeeda ku cabirtay ee dowladda lagu taageerayay,isla markaana facebook lasoo dhigay ayaa waxaa ku jiray Erayo loogasoo horjeeday Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)

Mamulka Jubbaland ayaa horay dhowr mar u xiray dad bartooda facebook ku qoray erayo ka dhan ah maamulka Jubbaland,iyada oo taasi ay walaac ka muujiyeen Bulshada Magalada Kismaayo.

Dhaqamada ragga siyaasadda ku xumaatay ee kursiga ka dhici rabo ayuu axmad madoobe bilaabay waxaana falkaan aad ula yaabay dadweynaha kismaayo ku nool iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed.