Somali News

Askari Sarqaansan oo Rasaas kufuray dad rayid ah.

Hadal ka soo baxay Golaha Milliteriga ee haya talada dalkaasi (TMC) ayaa lagu sheegay inuu Askari sarqaansan uu toogasho ku dilay Haweeney, kuna dhaawacay Askari iyo hal qof kale oo rayid ah.

Askariga waxaa la sheegay inuu madaxa ka toogtay Haweeney la oran jirey Miyaada Joon, taasi oo u geeriyootay dhaawacii darnaa ee soo gaaray.

Dhanka kale, Askariga sarqaansanaa waxa uu lugaha ka toogtay Wiil dhallinyaro iyo mid ka mid ah Ciiddankii goobta joogay, kuwaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaalka.

Golaha Milliteriga haya Talada dalkaasi waxay sheegeen in la qabtay Askarigii toogashada geystay, lana soo taagi doono Maxkamad.

Related posts

Qoraa caan ah oo ku dhimatay Maraykanka, qof ceynkee ah ayey aheyd???

admin

Xildhibaanada baarlamaanka oo maanta ansixiyay sharci muhiim ah oo mudo la wada sugaayay

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Cabdi Qeybdiid iyo Abshir Bukhaari oo Loo doortay Xubnaha Aqalka sare iyo Doorashada oo weli ka socota Cadaado+Sawirro

Tifaftiraha K24