Somali News

Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Darawal Mooto Bajaaj Ku Dilay Muqdisho

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Daarta Seybiyano ee Degmada Hodan,isla markaana waxaa loo geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa oo xiligaas mootadii uu waday ay saarneyd Haweeney la sheegay in ay Fool aheyd,taasi oo loo watay Isbitaal si ay ugu soo dhasho.

Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in askarigii ka dambeeyay falkaas dilka ah ay u suura gashay in goobta uu ka baxsado,

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa joogto ka ah dilalka loo geysanayo Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta,iyadoo dhawaan sidaan oo kale askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Tarabuunka,hayeeshee markii dambe laamaha amniga dowladda ayaa gacanta ku dhigay oo xabsiga dhigay.

Related posts

Shirkii Qurba-joogta Puntland ee Yurub oo ka Furmay Helsinki Finland (Sawiro)

admin

TOP NEWS: Munaasabada Aas aaska Ciidanka Xooga dalka oo Muqdisho iyo Gobolada Dalka laga Xusaayo

admin

Ciidamo Kusoo Wajahan Muqdisho Kana Imaan Doona Wadanka!.

admin