Animation

Arsene Wenger oo ammaan kala dul dhacay ciyaartoyda Afrikaanka ah

no responses
Sunday October 2, 2016 - 6:08 under Somali News by admin
mqdefault

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa BBC-da u sheegay in ciyaaryahannada Afrikaanka ah ay saamayan wayn ku leeyihiin xirfaddiisa tababarenimo ee labaatanka sano kor u dhaafaysa.

Wenger ayaa subaxnimadan hadalkan ka sheegay warsaxaafadeed kiisii caadiga ahaa ee ciyaarta ka horeeyay, isla kooxdan Arsenal ayuuna soo tabobarayay in kabadan labaatan sano.

Isaga oo ay wajigiisa farxad ka muuqato ayuu sheegay in ciyaaryahannada Afrikaanka ah uu ku arkay in ay kubadda niyad u hayaan oo ay yihiin kuwo xeelad iyo awood leh.

Wuxuu intaas ku daray in ay yihiin kuwo xawaaro sare ku orda oo firfircoon oo ay adagtahay in ciyaaraha lagu soo bandhigo mar kaste.

Ciyaaryahanada Afrikaanka ah ee uu xusay in ay gacansiiyeen waxaa ka mid ah Nwako Kanu, oo reer Nijeria ah, Kolo Toure oo reer Ivory Coast ah iyo ciyaaryahanka caanka baxay ee reer Liberia, George Weah oo uu tababare ugu soo noqday naadiga Monaco ee dalka Faransiiska.

Saddex daas ayuu ku tilmaamay kuwa saamaynta ugu wayn ku leh xirfadiisa tababarenimo.