Animation

Ardayda Kenyanka ee ku soo biiraya Xarakadda Alshabaab oo sii korodhayso

no responses
Thursday October 15, 2015 - 7:50 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Kenya (KDF), Samson Mwathethe ayaa ka digay inay sii kordhayaan tiradda Ardayda Kenyanka ee ku biirayo Xarakadda Alshabaab ee Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay Xarakadda Alshabaab adeegsadaan Warbaahinta Isku-xirka Bulshadda ee Social Media, taasi oo u sahasha Ardayda inay si fudud ugu biiraan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray in Farriimaha Alshabaab xambaarsan yihiin Aydhoolajiyadda Xag-jirka, isla markaana ay Ardayda ku booriyaan inay ku soo biiraan Jihaadka Alshabaab.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Kenya (KDF), Samson Mwathethe, waxa uu ugu baaqay Waalidiinta Kenya inay qaadaan Tallaabooyinka kaga aadan sidii hubaal looga dhigi lahaa inaan Ardayda laga dhigin Xag-jirayaal iyo inay ku biiraan Xarakadda Alshabaab.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Kenya (KDF), Samson Mwathethe ayaa hadalkaasi ka jeediyey Munaasabad lagu xusayey Maalinta Ciiddanka Kenya oo shalay lagu qabtay magaalladda Nairobi.

Munaasabadaasi ayaa ahayd tii 4-aad ee loogu dabaaldegay tan iyo markii ay Dowladda Kenya ciiddamo u soo dirtay gudaha dalka Somalia bishii October  ee sannadkii 2011-kii.

Haaatan, in ka badan 4,000 oo Askar Kenyan ayaa ku sugan gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.
 

 

Facebook Comments