Animation

Aqriso: Dowlada Yahuuda Isra’il oo hal Sabab Darteed u Joojisay Muslimiinta Falastiin in ay ku Cibaadeystaan Masjikda Barakeysan ee Al-aqsaa

no responses
Friday September 30, 2016 - 12:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Israel ayaa baajiyay booqashada isbuucaan ee Muslimiinta ku cibaadeesta Masjidka Al-Aqsa ee dhulka xooga ay ku haystaan ee bariga Qudus sababta oo ah aaska Madaxweynihii hore ee dalka Israel Shimon Peres.

Falastiiniyiinta ayaa loo sheegay in booqashada masjidka iyo salaada jimcaha maanta eey dhici doonin , iyadoo uu socdo qabanqaabada aaska Peres, kaasoo dhintay Arbacadii.

Israa’iil ayaa u ogolaada 250 Muslimiinta Falastiin ee waayeelka ee deegaanka Gaza in ay gudbaan isgoyska Erez si ay ugu soo cibaadeestaan masjidka Al-Aqsa Jimca kasta, iyagoo shardi looga dhigo in ay ku noqdaan Gaza isla maalintaas.

Booqashooyinka waayeelka Falastiin ka Gaza ayaa la meelmariyay iyadoo qayb ka ah heshiiski xabad joojinta ee lagu soo gabagabeeyay weeraradii Israil ee 2014.

Si kastaba ha ahaatee, sababo la xidhiidha amaanka iyo fasaxyada Yuhuudda Israel , ayaa marar badan carqaladeesa booqashada Muslimiinta ay halkaa ku aadan.

Masjidka Al-Aqsa oo ah xarunta saddexaad ee Islamka, ayaa waxa uu ku yaalaa Bariga Qudus, qayb ka mid ah dhulka Falastiin oo ay xooga ku haystaan ciidanka Israel muddo ku dhow 50 sano.