Animation

Aqalka Sare oo yeeshay Guddoomiye iyo Laba Guddoomiye ku xigeen+Magacyadooda

no responses
Sunday January 22, 2017 - 2:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa Maanta waxa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho iyadoona la doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Labadiisa ku xigeen.

Doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa kusoo baxay Cabdi Xaashi Cabdullahi oo Doorasho xiiso badan kala kulamay Hal musharax oo la tartamaayay.

Doorashada Labada Guddoomiye ayaa waxa ay aheyd tii ugu xiisaha Badnaay maadama la isla soo gaaray ilaa seddex Wareeg oo doorasho ah.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare waxaa ku guuleestay Senator Abshir Bukhaari kadib markii Cod aqlabiyad leh kusoo baxay dhowr wareeg oo doorasho ah kadib.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare waxaa kusoo baxay doorashadii dhacday Mowliid Xuseen Guhaad oo helay 28 Cod wuxuuna ka adkaaday C/kaafi Macalin Xasan oo helay 24 Cod.