Arimaha Bulshada Breaking News Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

AMISOM Oo War Xasaasi Ah Kasoo Saartay Hadalkii Shalay Shabaab Ee Qaraxii Deegaanka Ceel Gaal

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa beeniyay in 30 Askari oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya ee ku jira AMISOM lagu dilay Gobolka Hiiraan.

AMISOM waxaa ay sheegtay in weerarka Miinada ah ee ka dhacay Degaanka Ceelgaal ee Gobolka Hiiraan ay ku dhaawacmeen afar Askari oo ka tirsan AMISOM kuwaas oo dhaawac fudud oo soo gaaray lagu daweeyay Isbitaal ku yaalla Beledweyne.

Xarakada Al-shabab ayaa shalay sheegatay in weerar Miino ah oo lala beegsaday Ciidamada Itoobiya ee ku jira AMISOM ay ku dileen weerarkaas.

Ciidamada Itoobiya ee weerarka la kulmay ayaa la sheegay in ay ku sii socdeen dalkooda,waxaana maanta la sheegay in ay ka gudbeen sohdinta Gobolka Galguduud uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida.

Related posts

Muuqaal: Daawo Maxaadan ogeyn oo shalay Kismaayo laga xusey???

admin

DEGDEG: Wasiirka gaashaandhiga DFS, Gen, Diini oo gaaray Guriceel, Muxuuse kala kulmay.

admin

Wasiirka cadaaladda oo maanta ay ku dhegenyihiin xildhibanadda Baarlamanka dalka, iyadoona………..

admin