Animation

Amisom oo logu deeqay 200-million oo dollar iyo AU oo so …

no responses
Sunday September 25, 2016 - 4:41 under Breaking News by admin
mqdefault

Ururka Midowga Afrika ayaa ka mahad celiyey Taageero Dhaqaale oo ay Midowga Europe ugu tala-galeen in laga dhigo Mushaaraadka Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, oo iyagu aan muddo 9 bilood qaadanin wax mushaaraad ah.

Madaxa Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika, Ismaaciil Jergu Iyo Madaxa Ururka Midowga Europe ugu qaabilsan Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta, Stevano Mansevisi waxay Khamiistii la soo dhaafay wada saxiixdeen Heshiis Taageero oo dhan ku-dhawaad 200-million oo Dollar.

Hadal qoraal oo uu Madaxa Nabadda iyo Amamanka ee Midowga Afrika soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu uga mahad celiyey Midowga Europe taageeradda ay siiyaan Hawlgalka AMISOM, wuxuuna xusay in Taageeraddaasi si weyn u dhisayso Mooraalka Askarta AMISOM.

Lacagtaasi ayaa la bixiyey, kadib, markii ay Madaxda Midowga Afrika iyo kuwa Midowga Europe wada-hadal ka galeen sidii loo bixin lahaa Kharajka lagu taageero Hawlgalka AMISOM.

Heshiiskaasi ayaa waxa uu horseedayaa inay Ciiddanka AMISOM helaan mushaarkooda ka maqnaa 9-kii bilood ee la soo dhaafay.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hawlgalka AMISOM ayaa lagu soo dhaweeyey Taageeradaasi dhaqaale ee lagu bixinayo Mushaaraadka Ciiddanka AMISOM iyo shaqaalaha kale ee la shaqeeya AMISOM.

Dhinaca kale, Ciiddanka AMISOM ee ka kala socda Dowladaha Djibouti, Uganda, Kenya iyo Burundi ayaa la sheegay inuu Askarigiiba mushaar ahaan bishiiba loo siiyo lacag dhan kun iyo 28 Dollar,