Somali News

TALISKA AMISOM Oo Hambalyo U Dirtay Hoggaanka Cusub ee Maamulka Galmudug.

Taliska howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo ku xigeenkiia oo shalay lagu doortay gudaha magaalada Dhuusamareeb.

AMISOM ayaa ugu baaqday madaxweynaha cusub ee Galmudug inuu waqti badan ku bixiyo dadaallada nabadeed ee maamulkaasi.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo qabyo ah, islamarkaana loo baahan yahay inuu wax ka qabto madaxweyne Qoor Qoor.

Ugu dambeyn AMISOM ayaa warkaan ku sheegtay in ciidamadeeda la geeyey degmada Dhuusamareeb ay ka war qabaan beesha caalamka iyo dowlada dhexe, islamarkaana ay Galmudug kala shaqeyn doonaan kaliya arrimaha ammaanka ee maamulkaasi.

Related posts

War Deg Deg ah Labo Ruux oo Lagu Dilay Baladweyne

admin

Dowladda Soomalia oo muddo 4 bilood kadib Xayiraaddii dhanka socdaalka aheyd ka qaaday Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur.

admin

Waa sidee Xaaladda Magaalada baladweyne kadib Dagaalo shalay halkaasi ka dhacay.

admin