Animation

Amisom meeqa askari ayaa looga dilay weerarkii shalay ka dhacay gobolka shabeellada hoose?

no responses
Monday July 31, 2017 - 1:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Uganda ayaa ka tacsiyeeysay geerida ka dhalatay weerar xarakada Al-shabaab  shalay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan AMISO gaar ahaan kuwa Uganda ee jooga Gobolka Shabeellaha hoose.

Wasaaradda difaaca Uganda war-saxaafadeed ay soo saartay ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkaas Ciidamada Uganda ay uga dhinteen 12 Askari 7 kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

Meydadka Askarta dhimatay iyo kuwa dhaawaca qaba ayaa loo soo qaaday Isbitaalka heerka 2aad ee Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Muqdisho si halkaas dhaawacyada loogu dabiibo.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda oo lagu magacaabo Richard Karemire ayaa isna sheegay in weerarkaas uu ahaa mid gaadmo ah Ciidamadoodana ay is difaaceen.

Waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada Uganda ee weerarkaas la kowsaday ay yihiin kuwo ka tirsan Guutada XX AMISOM ee ku sugan Shabeellaha hoose.

Afhayeenka u hadlay Dowladda Uganda ayaa sheegay in Ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ay dhinteen iyaga oo difaacaya dhulkeenna hooyo ee Afrika sida uu hadalka u yiri.