Amisom ayaa sheegtay in aysan waxba ka ogeyn Xarrigii Abuu Mansuur loogu geestay Baydhabo

0

Howlgalka Amisom ayaa iska fogeeyay in ay qeyb ka ahaayeen waxna ka ogaayeen xarrigii Abuu Mansuur dhawaan loogu geestay Magaalada Baydhabo.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Somalia Francisco Madiera ayaa wuxuu sheegay in Amisom aysan ku lug laheyn xarriga Roobow sidoo kalana aysan qeyb ka aheyn tallaabadii Muqdisho loogu soo dhoofiyay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku dhintay rabshadaha, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan qoysaskii ay ka baxeen, sidoo kale waxaa uu soo bogasho degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.