Somali News

Amaro cusub oo lagu soo rogay dulimaadyadii Kismaayo iyo Nairobi

Diyaaradaha ka baxa Kismaayo ee si toosa u aadi jiray magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo rogay maro cusub iyadoona maradaas ay soo saartay dowlada Kenya.

Diyaaradaha ka duula garoonka Kismaayo ayaa waxaa lagu wargaliyay inaysan toos ooga degi karin magaalada Nairobi ee laga doonayo inay ka degaan Wajeer si loo marsiiyo baaritaano iyadoona markaas ay soo saartay hay’adda Duullimaadka rayidka Kenya.

Heshiis ay kala saxiixdeedn 14bishii lasoo dhaafay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya  ayaa dhigaya in dhamaan Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya marka laga reebo Muqdisho ay maraan Wajeer si halkaas baaritaan loogu sameeyo.

Agaasimaha Hay’adda duullimaadyada rayidka ee Kenya Gilbert Kibe, ayaa sheegay in dhamaan duullimaadyada aan ka baxeyn Muqdisho marayaan Wajeer taasina tahay amar ka soo baxay Uhuru Kenyatta oo ay hay’addoodu fulineyso.

Related posts

Muqdisho:-Faafaahinta Weerar xalay lagu qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya

Ahmed sudani

Gudomiyaha Hay,ada Sedhuro Dahir Cali Kamiin oo Tacsi tiiranyo leh diraya.

admin

Dhagayso:- Kooxda Al-Shabaab oo Maanta Weraaray Ra"iisul Wasaaraha somaaliya Cabdweli sheekh

admin