Animation

Alshabaab” Puntland waxaan ka dilnay 61 askari kadib dagaal culus oo ka dhacay deegaanka…..

no responses
Thursday June 8, 2017 - 9:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada maamulka Puntland iyo ururka Al-shabaab ayaa ka dhacay Degaanka Af-urur oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogag ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada maamulka Puntland ay ku leeyihiin Degaanka Af-urur.

labada dhinac ayaa isku adeegsanayay Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka ee halkaasi ku sugan

Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa ka baxay magaalada Boosaaso, iyaga oo ku biiray dagaalka ka dhacay Degaanka Af-urur, si ay isaga difaacaan Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Ciidamo badan oo ka tirsan maamulka Puntland ay ku laayeen, gaadiid badana ay ku qabsadeen dagaalkii saakay aroortii ka dhacay Degaanka Af-urur oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso.

Afhayeenka dhanka hawlgalada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay 61 Askari inay dileen, halka sidoo kale uu tilmaamay inay qabsadeen 16 gaari oo 9 ka mid ah ay yihiin gaadiidka dagaalka ee ciidamada Puntland leeyihiin.

Shabaab waxay kaloo sheegteen in deegaanka ay la wareegeen mudana ay gacanta ku haayeen balse markii dambe ay isaga soo baxeen sida warbaahintooda lagu qoray.

Puntland weli kama aysan hadlin qasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay af-urur .