Somali News

Alshabaab oo xalay weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka….

War ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in dagaallamayaasha Alshabaab ay xalay oo Bisha Ramadan ay aheyd 17 weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Balli khadar ee gobolka Bari.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in 5 ilaa 7 askari ay Puntland kaga dileen weerarkii xalay ay ku qaadeen deegaanka Balli khadar.

Puntland dhankeeda waxa ay sheegtay in ciidamadeeda ay iska difaaceen weerarka Alshababa kusoo qaaday waxaana ay sheegen in khasaaro ay gaarsiiyeen dableeydii weerarka soo qaaday.

Sanadkii lasoo dhaafay 17-kii bishii ramadan ayey aheyd markii weerar culus shababaka ku qaadeen saldhig milatari oo ciidamada puntland ay ku lahaayeen deegaanka Af Urur ee Gobolka Bari waxaana dagaalkaas Punland uga dhintay Askar badan.

Related posts

Dowlada Somalia oo dib u so nolaysay Wakaalada Hindisaha

admin

TOP NEWS: Maxaadan ogeyn oo halisteeda leh oo xalay ka dhacay deegaanka hosingoow xili dagaalamayaasha alshabaab ay…..

Tifaftiraha K24

Xog Halis ah: Xog Culus: Madaxtooyada soomaliya oo Saacadihii la soo dhaafay lagala baxay Hub iyo gaadiid oo…

Tifaftiraha K24