Animation

Alshabaab oo weerar kamiin dhabba gal ah ku qaaday kolonyo ciidamado keenyaan ah oo maraayay deegaanka…..

no responses
Thursday May 11, 2017 - 9:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan dagaal u dhaxeeya alshabaab iyo ciidanka kenya oo ka dhacay deegaanka  deegaanka Hosingow ee gobolka jubbada hoose.

Dagaalka ayaa bilowday ka gadaal markii dagaalamayaasha alshabaab ay weerar dhabo gal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada kenya oo maraayay deegaanka hosingoow kuwaasi oo ka soo baxay dagmada dhoobley.

Ciidamada kenya wuxuu gaari kaga halaabay deegaanka hosingoow inta ay cilad bixintiisa ku mashquulsanaayeen ayaa waxaa mar qura weerar xoogan kusoo qaaday dagaalamayaal ka tirsan xarakada alshabaab.

Dagaalka waxaa ka dhashay qasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay laba dhinac inkastoo aan weli la helin qasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay.

Alshabaab waxa ay sheegteen in weerarka dhaba galka ah ay ku gubeen gaadiid ay leeyihiin ciidamada kenya ha yeeshee saraakiisha kenya weli kama aysan hadlin sheegashada alshabaab.