Alshabaab oo wadada u galay ciidamo ka tirsan dowaldda oo Muqdisho kusoo jeeday

0

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in baabuur nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo milatari ah lagu weeraray meel u dhexeysa deegaanada Gololey iyo Qalimow oo ka tirsan degmada Balcad.

Weerarka oo ka dhacay Ilbaq oo dhanka Waqooyi ka Xiga Deegaanka  Gololeey Ee Degmad Balcad ayaa yimid kadib makii Gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidan ka tirsan Miatariga Somaliya ay rasaas ku boobeen Shabaab wadada ugalay.

Dagaalka oo daqiiqado kooban socday ayaa waxaa ka dhashay Khasaare xoogan oo soo gaaray Ciidankii Wadada ku safrayay, Goob Joogayaal ayaa soo sheegaya iney arkeen meydka 5 Kamid ah Askartii Ciidanka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal halkaa uu ka dhacay iyadoo qaar kamid ah ciidamada milatariga ay soo gaartay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada ku dhaawacmay iskahorimaadka ayaa la sheegay inuu ku jiro sarkaal madax u ahaa ciidamada degmada Mahaday kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyay Muqtaar Jareer.