Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Alshabaab Oo Sheegtay Inay Qabteen Diyaarad Drone ah

Warbaahinta Shabaab ayaa sheegtay diyaaradan inay ku soo dhacday Buuraha Caalmadow ee Gobolka Bari durbadiiba halkaasi ay ka qaadeen Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Diyaaradan oo Drones-ka ayaa waxaa ku xirnaa Kaamirooyin, waxaana la sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan ciidamo Shabaabka tirsan.

Diyaaradaha Drones-ka ee wax duuba ayaa dul wareega Saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo Shabaab ay horay u qabteen diyaarado sidan oo kale ugu soo dhacay deeganada ay ku sugan yihiin.

Ciidamada Puntland ayaa maalmahan dambe waxa ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadeen Buuraha Caalmadow ee Gobolka Bari, halkaasi oo ay ka raadinayeen xubno Shabaab ka tirsan.

Diyaaradan ku soo dhacday Gobolka Bari, ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee nooceeda Drone ah oo Shabaabka ku sugan Buuraha Galgala ay qabtaan.

Related posts

Muuqaal: Daawo, Prof Gaandi Oo Arimo Badan Oo Xasaasi Ah Oo Ay Jubbaland ugu Horeyso Laga Wareystey (Muxuu Tolow Yiri??)

Tifaftiraha K24

Xildhibaanada G/Shacabka Oo Kulan Ku Leh Muqdisho

admin

RW Cumar ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed

admin