Somali News

Alshabaab oo Sheegtay in Saraakiil Mareykan iyo Amisom isugu jirta ay ku dhinteen Qaraxii ka dhaca Duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray kolonyo Ciidamada Amisom ah iyo ciidamo mareykan ah kuwaasi oo ku wajahnaay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaan waxaana barahooda warbaahinta lagu baahiyay in weerarka lala beegsaday kolonyo ameerikaan ah oo ka yimid garoonka Balli doogle kuna sii jeeday xalane waxaana ay sidoo kale sheegeen in weerarka ay ku dileen 5 sarkaal oo isugu jira mareykan iyo afrikaan.

Qaraxa waxaa fuliyay nin naftii halige ah oo Alshabaab ka tirsan kaasi oo gaari uu watay ku dhuftay kolonyada waxaana bur bur uu soo gaaray qaar kamid ah baabuurta ciidamada Amisom balse qasaaraha ka dhashay weli lama xaqiijin marka laga soo tago sheegashada alshabaab.

Amisom weli kama aysan hadlin weerarkaan lagula beegsaday kolonyadooda duleedka magaalada muqdisho iyo qasaaraha kasoo gaadhay.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dalka dib ugu soo laabtay.

Ahmed sudani

Dhageyso:-Galmudug Oo Sheegtay In Dadkii Lagu Dilay Gaalkacyo Ay Ku Jiraan Dad Ka Soo Jeeda Hirshabeelle

admin

Daawo: Maamulka Gobolka Banaadir oo Lacago u qeybiyay Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Xalay

admin