Somali News

Alshabaab oo Saaka Weerar Cusub ku Qaaday Gaarisa

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saaka dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Kamuudey oo ka tirsan magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyo Bari, Kenya.

Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaankaasi, iyadoona la sheegay in dagaalyahannadu ay gubeen.

Sidoo kale weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay illaa saddex Macalin Iskuul;oo ku sugnaa deegaanka, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daray in ragga weerarka fuliyey ay burburiyeen xarun ay shirkadda Safaaricom ku leedahay deegaanka

Illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi iyo sida uu u dhacay.

Tan iyo markii la guda galay sanadkaan cusub ee 2020-ka kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weeraradeeda Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Weeraradii ugu dambeeyey ee khasaaraha badan geystay waxaa ka mid ahaa midkii dhowana ka dhacay gobolka xeebta ee Lamu ee lala beegsaday saldhig ay wada daganaayeen ciidamada dalka Kenya iyo kuwa Mareykankan ah.

Related posts

Daawo: Dhacdo naxdin badan oo ka dhacday beledweyne Farxad isku badashay murugo kadib markii..

Tifaftiraha K24

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo ka soo Baxay Kulan Xasaasi ah oo Madaxtooyada Garoowe ku dhexmaray Gaas iyo Wafdi UN-ka ka socda???+Sawirro

Tifaftiraha K24

Daawo: Xasan shiikh iyo qoyskiisa oo maanta ka dhoofay magaalada muqdisho xagee ku wajahanyihiin?

Tifaftiraha K24