Somali News

Alshabaab oo la sheegay in Xalay ay arin Argagax iyo Murugo Badan ay ka geesteen Deegaanka Biyo-Cadde ee Gobolka Sh.Dhexe

Wararka aynu ka heleyno deegaanka Biyo cadde ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxa ay sheegayan in Alshabaab ay Xalay Halkaasi ka geysteen falaaad u Naxdin badan.

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in ay Guriga ugu galeen Oday iyo wiil uu dhalay oo ku jiray Aqal ay dagnaayeen kadibna ay halkaasi ku dileen labadoodi iyo weliba oday kaloo cida marti u ahaay.

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellaha dhexe Axmed Meyri Makaraan ayaa sheegay in ay gaareen tuulada uu xalay dilka ka dhacay si ay murugada iyo tiiraanyada ula qeybsadaan reerka dhibaatadu ku dhacday.

Waxaan la ogeyn ila iyo hada Sababta Alshabaab ay u dileen Dadkaasi Rayidka ah ee kala aha wiil iyo aabihii iyo Oday Reerka usoo Martiyay.

Qaar ka mid ah Ehelada Dadka Xalay lagu dilay Deegaanka Biyo cadde ayaa k24 usheegay in ay hada u Fadhiyaan Aaska Marxuumiinta .

Related posts

Turkiga oo Cafis u fidiyay 38 kun oo maxbuus

admin

Cumar Xasan Al-Bashiir Oo La Xukumay

admin

DAAWO: Siyaasiyiin iyo cuqaal ka hadashay dilkii lagula kacay Saraakiil kka mid ah Ciidamada Maamulka.

admin