Alshabaab oo ka digtay in lagu ciyaaro garoomada yar yar ee kubadda cagta Magaalada Muqdisho.

0

Alshabaab ayaa ka digtay in lagu ciyaaro garoomada yar yar ee kubadda cagta Magaalada Muqdisho.

Garoomada ilaa iyo hadda shabaabku mamnuuceen waxaa la sheegay in ay ku yaalaan xaafaddaha ay-ka koobanyihiin dagmooyinka kaaraan,yaaqshiid iyo hiliwaa oo ku yaala wuqooyga magaalada muqdisho.

Milkiilayaasha garoomada loo yaqaan salaxyada ee ku yaala dagmooyinka magaalada muqdisho ayaa waxaa la sheegay in alshabaab ay ku amreen in gabi ahaanba la joojiyo in dhalinyaradu kubadda cagta ku cayaarto garoomada.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in milkiilayaasha looga yeeray gobolka shabeellada hoose deegaan kamid ah deegaannada shabaabku maamulaan looguna soo sheegay in garoomada ay xiraan.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Alshabaab amaba lagu baahiyay warbaahinta ku hadashada Afka Xarakada kaasi oo lagu mamnuucaayo garoomada yar yar ee K/Cagta muqdisho