Alshabaab oo Jilib ku toogatay 5 Xubnood oo la shaqeynayay Sirdoonnada Mareykanka iyo Ingariiska.

0

Alshabaab ayaa shalay dagmada Jilib ku toogatay Shan Ruux oo ay ku eedeysay in ay la shaqeynayeen Sirdoonnada dalalka Mareykanka iyo Ingariiska iyo dowladda Federaalka

Shanta ruux ee shabaabku toogatay waxa ay ahaayeen Rag dhalinyaro ah oo Basaasiin ay ku eedeeyeen.

Cawaale Axmed Maxamed 32 jir ah waxaa uu ahaa sirdoon ku dhex noolaa Alshabaab isagoo la shaqeynaayay Sirdoonka Ingariiska ee MI6 waxaana uu Sirdoonka kasoo qaatay malaayiin doollar si uu u Aas aaso Koox Islaamiyiin ah oo Shabaab ka madax banaan.

Cabdi casiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan oo 22 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sana jir wuxuu la shaqeynayay Mareykanka wuxuuna ka dambeeyay weerar Mareykanku ka geystay magaalada Saakoow.

Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay Sirdoonnada Mareykanka iyo dowladda Federaalka wuxuuna ka dambeeyay duqeymo ka dhacay Sh/Hoose.